Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Joseph Owuoth ayaa hadalkaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray, wuxuuna xusay inay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Kenya shalay fashiliyeen Weerar ay Alshabaab Waaberigii hore ee shalay ku soo qaadeen Saldhigga Ciiddanka DFS ku leeyihiin Deegaanka Kudha ee Goblka J/hoose, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku dray inay Iska horimaadkaasi ku dileen 2 Dagaalyahan oo uu ku jiray Taliye uu magaciisa ku sheegay Bashiir Nuur Xasan, balse ma jiran warar madax-banaan oo xaqiijinaya arrintaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Joseph Owuoth waxa uu Saxaafadda Kenya u sheegay inay Hawlgalkaasi ku qabsadeen 3 Qoryaha AK 47, Rasaas iyo Telefoon nooca ku shaqeeya Dayax-gacmeedka, waa sida uu hadalka u dhigay.
©Radio Dalsan
Â