Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Kenya William Ruto oo ka hadlay telefishin maxalli ah ayaa sheegay in aysan jirin qorshe dhow oo dib ugu furmayo Suuqa ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Caddeeyay in isfaham la’aan ah oo ku aadan arrinta qaadka uu ka dhex-jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana waxaa uu sheegay in wada-hadalka qaadka ay dib u dhigeyso Doorashada Somalia.
“Waxaa jiray xoogaa isfaham la’aan ah oo kadhex jirtay Kenya iyo Soomaaliya arinta badda. Waxay joojiyeen Qaadkeenna. Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saarayno labada arrimood laakiin doorashada ayaa gaabis ku ah hawsha. Waxaan rajeyneynaa markey doorashadu dhammaato, waxaan awoodi doonnaa inaan soo gabagabeyno wadahadallada ku saabsan dib u soo celinta ganacsiga, â€ayuu yiri William Ruto.
Wuxuu kula taliyay William Ruto Ganacsatada qaadka inay beerashadooda u weeciyaan miraha macadamia iyo avocado oo suuq leh, isagoo Wasaaradda Beeraha Kenya u jeeddiyay inay ka taageeraan beeraleyda wax soo saar Cusub.
Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ku guul darreysatay in lagu qanciyo Dowladda Soomaaliya inay xayiraada ka qaado Qaadka.
Si kastaba Dowladda Federaalka ayaa kal horey joojisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, lana keeni jiray Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira Cudurka COVID-19, waxaana DFS la sheegay in shuruudo dhowr ah ku xirtay keenista qaadka.