Dowladda dalkaasi waxay sheegtay inay sii wadaan qorshahooda ku aadan xirista Xeraddaasi, xitaa haddii ay Qaxootiga weli diidan yihiin Barnaamijka Dib-u-celinta aan khasabka ahayn ee la bilaabay sannadkii 2014-kii.
Tani waa codsigii ugu dambeeyey ee lagu xiri doono mid ka mid ah Xarumaha Qaxootiga ugu da’da weyn ee Gobalka, oo lagu eedeynayo inay gabaad siiyaan waxa loogu yeero Argagixisadda.
Madaxa Xoghaynta ee Arrimaha Qaxootiga ee Kenya, Kodeck Makori oo la hadlay Wargeyska Nation oo Jimcii la hadlay ayaa sheegay in Barnaamijka dib-u-celinta Qaxootiga uu weli socdo, tan iyo markii dib loo celiyey 5,200 oo Qaxooti ah bishii December ee sannadkii 2014-kii.
Waxa uu intaasi ku daray in 84,000 oo Qaxooti ka kala yimid Somalia iyo dalal kale dib loogu celiyey dalalkooda, isla markaana ay weli socoto hawshaasi.
Madaxa Xoghaynta ee Arrimaha Qaxootiga ee Kenya, Kodeck Makori waxa kale oo uu tilmaamay in la xiri doono Xeradda Dhadhaab, sida uu qorshuhu ahaa, isla markaana aysan jirin Qaxooti diidan dib-u-celintaasi, kuwaasi oo si iskooda ah dib ugu laaban doono dalalkooda.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka oo si hoose ula hadlay Wargeyska Nation ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in Xeradda Dhadhaab la xiri doono bisha September ee sannadkan.
Qorshe ay Dowladda Kenya horey ugu doonaysay inay si khasab ah Qaxootigaasi dib ugu celiyaan dalalkooda ayaa la hakiyey sannadkii 2016-kii.
Sannadkii 2013-kii, Dowladaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa wada saxiixay Heshiis Saddex Geesoo ah si loo maalgeliyo, looguna diyaar-garoobo in Qaxootiga dhanka dhulka la marsiiyo, kuwa go’aansada inay dib ugu laabtaan, iyadoo la siinayo Lacago ay ku maareeyaan safarkooda iyo bilaha ugu horreeyey ee laabashadooda.
Sannadkii 2014-kii, Xeradda Dhabaab waxaa ku sugnaa 350,000 oo Qaxooti ah, balse maanta waxay Xerada marti-gelinaysaa 210,556 Qaxooti ah, kuwaasi oo 202,381 ka mid yihiin dad ka yimid Somalia.
Sida laga soo xigtay Hay’adda UNHCR, 79,328 Qaxooti Soomaali ayaa dib ugu laabtay dalkooda hooyo, iyagoo ka faa’ideystay Barnaamijka Dib-u-celinta aan khasbaka ahayn.
Markii ay dowladda Kenya ku amartay Hay’adda UNHCR in muddo 6 bilood lagu xiro Xeradda Qaxootiga Dhadhaab, Deeq-bixiyayaasha iyo Hay’addaha Samafalka waxay ka hor yimaadeen Tallaabadaasi, kuna tilmaameen mid aan sharci ahayn.
Jimcihii la soo dhaafay, Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay sii wadi doonaan Tagaeeradda Dowladda Kenya o oay ka go’an tahay marti-gelinta Qaxootiga mid khatar ku ah Deganaanshaha Gobalka.
Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka ay Dowladda Kenya ku sheegtay inay albaabadda u laabi doonto Xeradda Dhadhaab ayaa noqon doonta Isku-daygii 4-aad ee ay ku xiri lahayd Xeradaasi, iyado Khasab ama juujuub ah looga saaro gudaha dalkaasi.