Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Dowladda Kenya sheegtay inay raggaasi madaxooda dul dhigtay in ka badan 100 million oo Shillinka Kenya ah, iyadoo Abaalmarintaasi la siinayo dadkii keena Warbixin lagu soo qaban karo xubnaha Alshabaab ee la baadi-goobayo.
Wargeyska The Standarda waxa uu Xubnaha ku xusan Liiskaasi ku kala sheegay Maxamed Maxamuud oo lagu naanayso Gacma-dheere iyo KUNOÂ waxaa madaxiisala dul dhigay 20 million oo Shillinka Kenya, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu dilay duqeyn ay Maraykanka ka geysteen Baardheere bishii June ee sannadkii hore.
Waxaa kaloo Liiska ka mid ah Kenyan magacisia lagu sheegay Ahmed Iman Ali oo loo yaqaano Abi Ziniira, wuxuuna Taliye u yahay ilaa 500 Dagaalyahano Kenyan ah oo ka tirsan Kooxda Jaysh Ayman ee Alshabaab.
Waxaana madaxiisa la dul dhigay 2 million oo Shillinka Kenya, inkastoo la sheegay in Ahmed Imam lagu dilay duqeyn ay Maraykanka ka fuliyeen Baardheere sannadkii hore..
Xubnaha kale ee ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen inay baadi-goobayaan waxaa ka mid ah: Xamisi Sawaalax C/llaahi, Hasasn Jarso Kotola, C/llaahi Jarsa Katola, C/qaadir Maxamed Ikrima, Suleyman Irungu Mwangi, Gufu Tari Gufu, Maxamed Ibrahim Maxamed,
Boliska Kenya waxay kaloo sheegeen inay baadi-goobayaan Anwar Yogan Mawok, C/qaadir Xareed Maxaamed, Yussuf Kuno, Ahmed Maalim Bashir, Idris Ismael Issack, Sharif Sheikh Arab, Ahmed Mahad Mohamed Abdullahi Isaaq Diyaad oo loo yaqaano Cubeyd, Suleiman Mohamed Awadh, Abdifatah Abubakar Abdi, Mohamed Osman Aliyow oo loo yaqaano Isaaq Okala.