Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay QM weydiisan doonto in Kharaj badan loo soo celiyo sannadkan oo ka bilaaban doonta bisha July ee soo socota. Oo ku aadan Ciiddankooda ku sugan gudaha Somalia ee dagaalka kula jira Xarakadda Alshabaab.
Shabakadda Wararka ee  businessdailyafrica ayaa qortay in Dukumenti ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya muujinayo inay Dowladda Kenya rajeynayso magdhow lacageed oo dhan 7.05 Billion ee Shillinka Kenya, taasi oo ka bilaaban doonta bisha July ee soo socota.
Soo celinta Lacagahaasi ayaa la filayaa inay hoos u dhacaan 2-da sanno ee soo socota, iyadoo la filayo in la yareeyo tirada Ciiddanka AMISOM ee jooga Somalia.
QM waxay 10-bilood ee la soo dhaafay, kuna ekeyd bishii April ee la soo dhaafay waxay Dowladda Kenya dib ugu celisay lacag dhan 4.6 Billion oo Shillinka Kenya.
Horey waxay lacagahaasi magdhowga dib ugu dhici jireen sidii ay QM u xaqiijin lahaayeen Sheegashada Kharashaadka ay Dowlada Kenya u soo gudbiso QM.
Ku-dhawaad 4,000 oo Askar Kneyan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Amisom, Iyadoo ay Beesha Calaamka mushaar ahaan Askari kasta bishii u siiyaan lacag dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta 103-kun iyo 828 Shillinka Kenya.
Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia waxay Askari kasta ka jaraan 200 oo Dollar, maadaama ay Beesha Caalamka kharajka AMISOM usoo marsiiyaan Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia.