Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay gaadiid kala duwan oo aad u badan, kuwaasi oo loo soo waday dalal ay Soomaaliya ku jirto, isla markaana loo soo marsiin lahaa gudaha Kenya.
Laamaha amniga Kenya ayaa gacanta ku dhigay gaadiidka oo tiro ahaan lagu qiyaasay 300 oo Gaari iyo 37 qof oo Darawalo ka ahaa gaadiidka, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in si sharci darro ah looga gudbinayay dalkeeda.
Edward Mbugua oo ah Ku-xigeenka Kormeeraha guud ee Ciidanka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in gaadiidka la qabtay ay ku wajahnaayeen dalalka kala ah South Sudan, Somalia, DRC, Malawi, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi.
Sidoo kale laamaha amniga Kenya ayaa xabsiga u taxaabay darawaladii la socday gaadiidka oo ahaa 37 ruux, kuwaasi oo waday Gaadiidka sida sharci darrada ah lagu marinayay gudaha Dalka Kenya.
Kenya ma shaacin halka dalkeeda laga soo geliyay gaadiidkaan badan oo loo soo waday dalal ay Soomaaliya ku jirto,iyadoona dhowr todobaad ka hor ay aheyd markii Kenya ay gacanta ku dhigtay 5 Gaari oo la soo xaday.