Hay’adda Dambi baarista dalka Kenya ayaa diiday in qaab damiin ah lagu siidaayo Laba Nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay yihiin Muqallasiin Haweenka ka qaada xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya.
Ragga Soomaali ah ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in intii u dhaxeysay bilaha November ee sanadkii tegay ee 2019  iyo January ee sanadkan 2020 ay dad badan ka qaadeen Kenya, isla markaana ay u gacan geliyeen magafayaasha dadka ka qabta dalka Liibiya.
Sidoo kale waxaaa la sheegay in Ragga Soomaalida ah la haayo Cadeeymo ku aadan in gabar ay ka wadeen Xerada Xagar dheer oo hoostagta Magaalada Gaarisa, taasi oo ka tegtay Garoonka diyaaradaha Khartuum ee dalka Suudaan, iyadoona kadib loo qaaday Liibiya.
Magacyada labada ruux ee Soomaalida ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabduaadir Axmed Maxamed iyo Maxamed Axmed Afrax, iyagoona shalay lasoo taagay Maxkamad ku yaalla Kenya, iyagoona dalbaday in qaad damiin ahaa lagu sii daayo.