Masuuliyiinta Kenya ayaa amar ku bixiyay in Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Nairobi iyo Gobolka Soomaalida la raaciyo Boolis ilaaliya kadib markii ay soo wajahday cabsi aad u fara badan.
Taliyaha Booliska Gobolka Nick Ndalana, ayaa u sheegay warbaahinta in Gaadiidka diida go’aankaas iyo amarka taliska kaligoodna  baxa in ruqsadda ay ku shaqeeyaan lagala noqon doono hadii ay u hogaansami waayaan awaamiirta.
Amarka kasoo baxa y taliska ciidanka booliiska Kenya ayaa yimid kadib markii ay kordheen weerarada Alshabaab ay ka geysanayaan gudaha dalkaa kuwaas oo lagu bartilmaamedsanayo muwaadiniinta u dhalatay Kenya ee aan heysan Diinta Islaamka.
Dhinaca kalana waxaa shalay weerar dhabo gal ah lagu qaday Bas ka baxay magaalada Mandheera kaas oo kusii jeeday magaalada Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya iyada oo lagu dilay 4 ka mid ah dadkii la socday Baskaas.