Shirkad lagu magacaabo New AgeAfrican Global Energy Limited oo laga leeyahay dalka Britain ayaa sheegtay inay Kaydad Gaaska Dabiiciga ka ka heleen Gobalka Soomaalida ka deggan yihiin Ethiopia.
Shirkadda waxay shacaisay inay 1.6 Trillion cubic feet o oGaaska Dabiiciga ah ka heleen Deegaanka Ceel-qurun ee dhulka Is-maamuka Soomaalida Ethiopia.
Shirkadaasi waxay haatan ka hawl-galaan Xirmooyinka Adigala iyo Ogaadeen ee Ismaamulka Soomalaida ee Ethiopia.
Goobta cusub ee laga helay Gaaska Dabiiciga ayaa la sheegay inay u dhowdahay deegaan ay Shirkad Shiinees ah ay sannad ka hor ka bilowday tijaabinta Wax-soo-saarka Gaaska Dabiiciga.
Wasiirka Macdanta iyo Bartroolka ee Dowladda Federalka Ethiopia, Guang Tutlam oo la hadlay Wargeyska The Reporter waxa uu sheegay inay haatan ka fekerayaan qaabkii loo iib-geyn lahaa Gaaska Dabiiciga ee la helay.
Websaytka Shirkadda African Global Energy waxaa lagu muujiyey in tallaabooyinka horumarinta ee Xirnadda Ogaadeen ay haatan ku hayaan Dib-u-eegis.
Dhinaca kale, Wargeyska The Reporter waxa kale oo uu qoray in Shirkad Maraykan oo lagu magacaabo Greencom ka codsadeen Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Ethiopia in la siiyo Qandaraaska Gaaska Dabiicigaiyo inay dhisaan Xarun haraagga Gaaska Dabiiciga looga sameeyo dareere kala duwan oo Batroolka Gasoline-ka iyo Gas Oil ah.