Ugu yaraan 9 Kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyootay, duqeyn ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga la beegsadeen Doon Kalluumeysi oo maraysay meel ka baxsan Xeebta Xudeydah.
Telefishinka Almasiirah ee Kooxda Xuutiyiinta ayaa shaaciyey in Kalluumeystaadaasi ku guda-jireen hawl-maalmeedkooda Kalluumeysiag, markii ay Isbahaysiga duqeeyeen.
Dhinaca kale, Isbahaysiga Milliteriga ee Sacuudiga weli kama hadlin Kalluumeysatada lagu dilay Yemen.