Kalluumeysatada magaalada Berbera ayaa xiligan xagaaga ee ay dabeyshu dhaceyso ka cabanayaan dhibaato ay shegeen inay doonyahooda kala kulmaan dabeysha iyo Maraakiib Shisheeye.
Kalluumeysatadan ayaa sidoo kale sheegay in marka ay badda ku yara fogaadaana shabaaktii ay ku soo jillaabanayeen kalluunka ay ka jiiraan maraakiibta waaweyn ee ajanabiga.
Qaar ka mid ah kalluumeysatada ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan ay ka kalluumeystaan inta u dhaxeysa berbera iyo Magalada lughaye balse ay weli dareemayaan dabeylo xoogan.
Sidoo kale kalluumeysatada ayaa waxa ay sheegeen in markii ay badda ku sii fogaadaan ay la kulmaan Maraakiib Shisheeye,kuwaas oo ay sheegeen inay jarayaan shabaaktii ay ku kalluumeysan lahaayeen.
Madaxda ugu sareysa Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay ka codsadeen in ay waxka qabtaan dhibaatooyinka ay ku hayaan maraakiibta Shisheeye xilliga ay ku guda jiraan kalluumeysiga.
Inta badan kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka cawdaan maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya,waxaana maraakiibtaas ay sheegaan inay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida.