Gacan-yarayaasha Madaxweynaha La-doortay ee dalka Maraykanka, Donald Trump waxay dhawaan qoraal su’aalo ah u direen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo ay wax ka weydiiyeen waxa ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab oo 10-sanno jirsaday.
Wargeyska The New York Times ayaa loo dusiyey Qoraalka ay Kooxda Madaxweyne Donald Trump ku ifiyeen Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan Taageeradda ay ka geystaan Dagaalka Alshabaab.
Qoraalkaasi oo ka koobnaa 4 bog waxaa su’aalaha lagu harqiyey Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka mid ahaa Kaalmadda Samafalka, Dagaalka lagula jiro Alshabaab, Boko Haram iyo Baadigoobaa Hoggaamiyaha Kooxda LRA-da Uganda, Joseph Kony.
Wargeyska Southern Tomes ee ka soo baxa dalka Koonfurta Afrika ayaa dib u daabacay Su’aalaha ay Kooxda Madaxweyne Donald Trump ugu qaabilsanaa Xilliga Kala-guurka u direen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.
“Sababte ayaa loogu guuleysan la’ yahay Dagaalka Alshabaab?†ayey Gacan-yarayaasha Donald Trump weydiiyeen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waxayna qoraalkooda u dhigeen sidatan:
Dagaalka lagula jiro Alshabaab waxaa loogu guuleysan waayey dhowr sabab, kuwaasi oo kala ah:-
Marka ugu horreysa, Dowladda Somalia oo taageero iyo maalgelin ka hesha Beesha Caalamka, oo ay ku jirto Maraykanka ayaa si weyn u noqotay mid aan waxtar lahayn.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hareeyey eedeymo lagu sheegay Musuq iyo xatooyadda Kaalmooyinka iyo in wax yar laga qabtay baahida aadka loogu baahan yahay Adeegyadda Dadweynaha tan iyo markii Madaxweynaha la doortay sannadkii 2012-kii.
Dowladda Somalia waxay weli ku xaniban tahay gudaha Caasimadda oo ay la jirto wax yar ama aysan wax badan ka maamulin dalka, iyadoo inta badan dalka u qeybsan yihiin Maamulo Federal oo dhamaantooda mucaarad ku ah Hoggaaminta iyo Danaysiga kala duwan waa sida lagu qoray Qoraalka ay Gacan-yarayaasha Donald Trump isku weydiiyeen sababaha ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka Alshabaab.
Su’aal kale ayaa waxay ku xiriirsanayd Ciiddanka AMISOM oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka Alshabaab iyo xubinnimadda dalalka deriska, sida Kenya, Ethiopia iyo Uganda ee Hawlgalka AMISOM, waxaana Ciiddanka AMISOM ee ay Reer Galbeedka taageeraan lagu eedeeyaa Kufsiga Burcadnimadda ee Haweenka loo geysto, in cuntada Samafaka looga ganacsado si looga danaysto dumarka, taasi wax u dhintay sumcadda ay ku dhex leeyihiin dadka Deegaanka.
QM ayaa iyadana horey ugu eedeysay Ciiddanka AMIOM inay Hubka ay Maraykanka ugu deeqeen ka sii iibiyaan Alshabaab, waa sida ay Kooxda Donald Trump hadalka u dhigeen.
©Radio Dalsan