Madaxwayne ku-xigeenka labaad ahna ku simaha Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa xilalkii ka qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, isagoo kuwo Cusub magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Baardheere loogu magacaabay inuu noqdo Cali Ismaaciil Cali, kaasi oo bedelaya Muxamed Isaaq Nuur.
Sidoo kale Madaxa Maaliyada Baardheere ayaa loo magacaabay Cali Dubbad Axmed, isagoo bedelaya Madaxdii hore ee Maaliyada Axmed Cabdullaahi Fanax.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.