Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay Go’aankii galabta Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku diideen muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigoodu idlaaday u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Farmaajo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkooda uu dhowr jeer ku baaqayay in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay, si looga baaqsado khal-khal gelin amni iyo daganaansho la’aan siyaasadeed.
Sidoo kale Jubbaland ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ku bogaadisay taageerada mowqifkiisa ku aadan Go’aankii ay muddo kororsiga Farmaajo ka qaateen Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.
Jubbaland ayaa Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ugu baaqday inay taageeraan kana qeyb qaatan samata bixinta dalka, iyagoona xusay inay aaminsan yihiin in heshiiska 17 Sep uu yahay waxa kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.