Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ee maamulka Jubbaland Saacid Cabdullaahi Macallim Maxamed oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay iney jirtay baahi weyn oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay u qabeen duullimaadyada caalamiga ah,
“Waa arrin aan aad uga warqabnay oo mudan in la soo dhaweeyo sidaas darteed ayaan innaguna waxaan si buuxda u soo dhaweyneynaa go’aankii Golaha Wasiirrada ee dowladda federaalka ah ka soo baxay ee ku aaddanaa dib u furista duulimaadyada heerka Caalami ee Dalka” ayuu yiri Agaasime Saciid Cabdullaahi.
Agaasime Saacid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale uu sheegay in ay garowsan yihiin dhibaatada xanuunka COVID19 uu weli ku hayo caalamka, isla marahaantaana ay ku dadaali doonaan sidii looga digtoonaan lahaa oo loo qaadan lahaana awaamiirta iyo talooyinka loogaga hortegi karo cudurkaas ee ay dhaqaatiirta iyo wasaaradaha caafimaadku ay soo gudbinayaan.
Ugu dambeyn agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka Jubbaland Saacid Cabdullaahi Macallim Maxamed waxaa uu u mahadceliyay wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dowladda federaalka ah, isagoo uga mahadceliyay wadashaqeynta wanaagsan ee ay wasaarada dowlada dhexe ee dalka ay la leedaahey Wasaaradaha dowlad-goboleedyada iyo sida ay had iyo jeer ugu dadaalayaan horumarinta garoomada diyaaradaha ee ku yaalla degmooyinka Jubba-land.
Maalinta berri oo Isniin ah ayaa la filayaa in si rasmi ah dib loogu fur duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka jiray, kadib markii kal horey loo xiray sababo la xiriira Cudurka COVID-19.