Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.
Mar la weydiiyay in Jubaland ay ka qeyb galeyso haddii uu madaxweyne Farmaajo shir ugu yeero, ayuu ku jawaabay: “Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.”
Horay Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan iyagana sheegay in ay shuruudo ku cirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.
Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan yeelanaya maalinta Sabtida ee barito, waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.