Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay berito ka dhacdo Magaaladaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Xildhibaano,Wasiiro iyo Waufuud ka kala socday Dowlad goboleedyada,Hir-Shabeelle,Puntland iyo Maamulka Jubbaland oo markii hore la aaminsanaa inaysan wafdi u soo direyn xaflada Caleemo saarka laftagareen.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Magalada Baydhabo gaaray wafdi ka socda Maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano.
Dad badan ayaa aaminsanaa in Maamulka Jubbaland oo xilligaan khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka aysan wax wafdi ah u soo direyn Caleemo saarka lafgareen oo ah Madaxweyne doorashadiisa ay gacan weyn ka geysatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagreen) oo 19-kii Bishii December ee Sanadkaan lagu doortay Magalada Baydhabo.