Ciidanka Nabad Sugida iJubbaland ayaa Miinooyin  ka soo saaray wadada gashay xaafadaa Madiina ee magaalada Kismaayo taa oo ay dagan yihiin dad Barakacayaal ah sida ay hadalka u dhigeen.
Taliska Nabad Sugida Jubbaland ayaa sheegay in cutubka u tababaran ka hor taga walxaha Qarxa ayaa soo saaren iyaga oo shegeya in  Al-Shabaab ayaa doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Inta badan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa soo bandhiga Miinooyin ay sheegeen in lagu aasay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.