Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gabi ahaan qaadacday Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho,kaasi oo horey loogu qaban jiray dalal ku yaalla Yurub.
Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in Shirkas Jubbaland ay ka qeyb galeyn,isla markaana xusay in maamulkooda uu qaadacay Shirkaas Maanta furmay.’
Sidoo kale Wasiir C/rashiid Jirre Qalinle ayaa waxaa uu tilmaamay in habka loogu martiqaaday Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya ay aheyd mid qaldan,isagoo sheegay in Martiqaadka ay ka arkeen Baraha Bulshada.
“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Jubbaland.
C/rashiid Jirre Qalinle ayaa sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018.
Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xusay in Shirka Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya uusan ogeyn waxa lagu heshiin karo,maadaama aan loo dhammeyn oo maamul Goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.
Si kastaba Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay ayaa waxaa ka soo qeyb gelin Maamul Goboleedyada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland.