Waxaa Maanta Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Shir deg deg ah ah ku yeeshay labada Golle dowlad Goboleedka Jubbaland, Siyaasiyiin iyo maamulada degmooyin ka tirsan Gobolkaas.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay xaalada xiligaan ka taagan guud Gobolka Gedo gaar ahaan Degmooyinka Luuq, Doolow, Balad-xaawo iyo Baardheere, waxaana Shirka Jubbaland ay kasoo saartay War-saxaafadeed ka kooban laba Bog.
Qoraalka ay soo saartay Jubbaland ayaa waxaa dowladda Federaalka ugu eedeeysay in weli faragalin siyaasadeed iyo khal-khal amni ay ka wadao Gobolka Gedo, isla markaana ay meel iska dhigtay Dastuurkii dalka iyo hanaankii Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada Bani’aadanimo ee ka dhalatay khal-khal Siyaasadeed, Amni iyo mida maamul ee Degmooyinka Gobolka, iyadoona arrintaas ay sheegeen inay ku barakaceen 20 kun oo qoys.
Ugu dambeyntii Maamulka Jubbaland ayaa Waxgaradka ummada Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka ugu baaqday inay gacan ka geystaan faragelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ka wada Gobolka Gedo.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.