War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Jubbaland ayaa diiday inay ka qeyb gasho shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya,iyadoona ku eedaysay dowladda federaalka Soomaaliya inay baalmartay dhammaan shuruucdii iyo xeerarkii dalka u yaalay.
Sidoo kale Jubbaland ayaa tilmaamtay inay War-saxaafadeedkanka soo baxay uu Jawaab u yahay Casuumaadii Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee uga timid xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Jubbaland.