Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray faragelinta ay sheegeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Gobolka Gedo iyo Guud ahaan Jubbaland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin ku wada Gobolka Gedo, isla markaana ay ku howlan tahay abaabulka dagaal sokeeya oo ka dhex dhaca shacabka deegaanada Jubbaland.
Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay tacadiyo is xig-xigay kula kacday Shacabka Jubbaland, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay dhamaantood baalmarsan yihiin Dastuurta dalka ku yaalla iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland .