Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur  Janan oo ah Wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dhawaan la filaayo inay ka dhacaan deegaanada maamulka Jubbaland.
Wasiirka oo Shir Jaraa’id ku qabtay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in Musharaxiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland looga baahan yahay ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdirashiid Janan in qofkasta oo Muwaadin reer Jubbaland ah uu ka qeyb geli karo Doorashada,isla markaana aysan jiri doonin cid si gaar ah looga hor istaago Doorashada.
Isagoo sii hadlaayay Wasiirka amniga Jubbaland ayuu tilmaamay in Madaxda dowlad Goboleedka Jubbaland ay dooneyso in Doorasho xalaal ah ay ka dhacdo deegaanada Jubbaland,isagoo Musharaxiinta ugu digay in ay sameeyaan falal amniga khalkhal galin kara.
Ugu dambeyntii ayuu laamaha amniga Jubbaland kula dardaarmay in ay si wanaagsan ula shaqeeyan Musharaxiinta ka qeyb galeysa Doorashadda Madaxweynaha Jubbaland,kuwaasi oo la filaayo in dhawaan ay gaaraan halkaasi.