Meydka laba nin oo Ka Ganacsada Dhuxusha ayaa la geeyay degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo shalay labsheegay in lagu dilay deegaanka Wareeg Kismaayo ee isla Gobolkaas.
Labadaan Nin ee Ganacsatada ah ayaa dilkooda waxaa ka soo baxaya warar kala duwan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay ka dambeeyeen dilkooda Al-Shabaab.
Dhanka kale ehelada ragga la dilay ayaa iyana waxa ay dhankooda sheegeen in Maalmihii u dambeysay ay taagneed xiisad u dhaxeysay dadka Dhuxusha shida iyo Al-Shabaab oo diidan in Dhirta la guro.
Maanta ayaa la filayaa in Degmada Badhaadhe ee Gobolkaasi Jubbada Hoose lagu aaso labadaasi nin ee ka Ganacsada Dhuxusha balse shalay Gelinkii dambe lagu dilay deegaanka Wareeg Kismaayo.