Jihadiste Mohamed Abdullahi Hassan oo arday ka ahaan jirey Dugsiga Sare ee Minneapolis High School ee dalka Maraykanka ayaa dib ugu soo muuqday Shabakadaha Isku-xirka Bulshadda ee Twitterka.
War ka soo baxay Machadka Cilmi-baarista Warbaahinta Bariga Dhexe “The middle East Media Research Institute (MEMRI) ayaa sheegay inuu Jihadistaahaasi nool yahay, kadib, markii 4 bilood oo uu juugda gabay.
Labo Cinwaan Cinwaan oo xiriir la leh Dagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq ayaa waxa Isbuucii hore la soo dhigay Farriin sheegaysa inuu  Jihadiste Mohamed Abdullahi Hassan weli nool yahay, kuna soo laabtay Twitterka.
Jihadistahaasi ka hor inta uusan Twitterkiisa hawada laga waayin, waxa adeegsan jirey magaca Mujaahid Miski, wuxuuna inta badan baahin jirey Borobogaandada Kooxda Dacish, waxaana uu mar qoray kuna baaqay in la qaado weeraro ka dhan ah dalalka Reer Galbeedka.
Buug ay Kooxda Daacish daabacday bilowgii sannadkan, waxa  Jihadiste Mohamed Abdullahi Hassan uu Kaalinta Koowaad ka noqday 19-ka Shaqsi ee ay Twitteradooda aad faa’ido ugu leeyihiin Kooxda Daacish.
Bishii June ee la soo dhaafay oo hawada laga waayey Twitterkiisa waxaa lo oqaatay in Jihadistahaasi la dilay ama la qabtay, inkastoo haatan uu dib u soo muuqday. Bishii August, Taageere Daacish ayaa sheegay inuuJihadiste Mohamed Abdullahi Hassan shahiiday, halka kuwa kalen tilmaameen in ay Dacaish ciqaabtay.
Waxaa kaloo la sheegay inay Alshabaab ka mamnuuceen Jihadiste Mohamed Abdullahi Hassan inuu isticmaalo magaca Mujaahid Miski, waayo waxa u umagacaasi sii muujinayaa inuu taageersan yahay Kooxda Daacish.
Dhinaca kale,   Jihadiste Mohamed Abdullahi  waxaa mar la sheegay inuu ku biiray Alshabaab, laguna dilay Muqdisho, balse waxaa haatan la shaaciyey inu uweli nool yahay.