Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan (Jawaari) ayaa ka hadlay arrimaha shaqo ee labada aqal baarlamaanka aqalka sare iyo aqalka hoose oo uu sheegay in xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda ay leeyihiin.
Guddoomiye Jawaari oo xalay ka hadlay munaasabada xirtaanka kal fadhiga koowaad ee aqalka sare ayaa tilmaamay in wixii la filayey eysan dhicin oo ahaa inaysan wada shaqeyn karin labada aqal ee baarlamaanka, hayeshee ay yihiin kuwo uu wanaagsanyahay xiriirka iyo isfahmka ka dhaxeeyo, loona baahanyahay in laga fakiro hormarka dalka.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.