Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Federalka Jarmalka (BMZ) ayaa sheegtay inay 25.85 million oo Dollar ugu deeqday Maamulka Puntland, UNICEF iyo HayΓ’β¬β’adaha ay wada-shaqeynta leeyihiin.
Lacagahaasi ayaa la sheegay in lagu sii wadi doono Hawlaha Isku-xirka Caafimaadka`iyo Barnaamijka Nafaqeynta, kaasi oo dhamaaday sannadkii hore.
Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka u jooga Somalia,
Markus Bollmohr waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladda caafimaadka ee dadka ku nool Puntland, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta.
Waxa uu tilmaamay in Iskaashiga Dowladda Jarmalka ka geysanayso arrintaasi lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo ku nool Somalia, gaar ahaanΓΒ Deegaanadda Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Kharajka ayHayΓ’β¬β’adda Dowladda Jarmalka ugu qaabilsan Horumarinta Iskaashiga ku deeqday ayaa la sheegay in la soo marsiin doono Bangiga Horumarinta ee KfW Development Bank.