Ra’isul-wasaarada Jarmalka, Angela Merkel ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeys ka soo baxa magaalladda Frankfurt ee Jarmalka, waxayna xustay inay isku diyaarinayso sidii xal Diplomaasiyadeed loogu dhamayn lahaa xiisadda ku aadan Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.
Waxay ku baaqday inuu Wada-hadalkaasi noqdo mid la mid ah Wada-xaajoodkii lagu dhameeyey Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.
Angela Merkel waxay sheegtay inuusan Tartanka cusub ee Hubka noqon doonin danaha qof kasta ee ku nool Jesiiradda Kuurya.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Jarmalka waxaa la filayaa in berrito khadka Telefoonka kula hadasho Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin, si xal mideysan loogu helo Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya