Wargeyska Die Welt ayaa maanta qory inay Maamulayaasha Jarmalka gacanta ku dhigeen 20 Turkish ah oo lagu tuhunsan yahay inay hawlo Basaasnimo ka wadeen gudaha dalkaasi.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Jarmalka (GBA) ayaa bishii hore sheegay inayqaadeen baaritaan ku adan dad u basaasayey Turkiga, iyadoo Warbaahinta dalkaasi sheegeen inay Eedeysanayaasha lagu tuhunsn yhay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka Turkishka ee MIT.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay basaasayeen Taageerayaasha Fatxullaahi Gulen oo ay Dowladda Turkiga sheegtay inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee bartamihii bishii July ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Xiisadda Diplomasiyadeed ee u dhexeysa Turkiga iyo Jarmalka ayaa aad u kacsan, iyadoo bisha soo socota la filayo inay Turkiga ka dhacaan Cod-bixin la xiriirta Isbedel lagu sameeyo Dastuurka dalkaasi.
©Radio Dalsan