Wararka naga soo gaaraya Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakey Waaberigii ay gudaha u galeen Ciidamo uu wato Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciidanka xoogga dalka soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood.
Dad ku sugan Marko ay Dalsan u sheegay in saakay ay maqlayeen rasaas goos goos ah oo gudaha Magalada ka dhaceysa saacado kadibna ay arkeen Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Janeraal Caanood oo wata Afartameeyo Gaadiidka dagaalka ah ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday,isla markaana saakey ay galeen degmada Marka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada la socda Janeraal Caanood ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay Saacadaha soo socda howlgallo ka fulin doonaan xaafadaha Magalada Marka.
Sidoo kale Ciidamada ayaa fariisin waxa ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Marka,sida Ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan Shaqeyn.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirta warar aan la xaqiijin in ay sheegayeen in abaanduule Caanood uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyey,balse Warar Dalsan ay heshay ayaa waxa ay sheegayaan in uu howllgallo ka sameyn doono deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Al-Shabaab.