Guddiga Farsamada Madaxa-banaan ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray Jadwalka iyo Habraaca ee soo xulista Xildhibaanada Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Farsamada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Odayaal dhaqameedyada iyo u tababarida soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay bilaabaneyso 26-ka Bishaan February 2020 ayna ku egtahay 29-ka bishaan.
Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in soo xulista iyo Diiwaan-gelinta Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ay bilaaban doonto 1-da Bisha Maarso ayna ku egtahay 10-ka bishaas.
Ugu dambeyntii Guddiga Farsanada ayaa shaaciyay in Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed lagu dhawaaqi doono 16-ka Bishan Maarso ilaa iyo 19-ka bishaas, isla markaana isla waqtigaas lagu dhaarin doono Xildhibaanada.
Hoos ka Akhriso Jadwalka iyo Habraaca ay soo saareen Guddiga Farsamada.