Qaar ka mid ah Jaalliyadda oo la hadlay Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan ayaa tilmaamay in bishan 17-da duqeyn lala beegsaday dooni ay la socdeen Qaxooti Somali, iyadoo lagu dilay 42 Qaxooti, laguna dhaawacay 120-kale.
Qaxootiga lagu weeraray Doonida waxay ku safrayeen Gacan-biyoodka Baal al-mandab, iyagoo ku sii jeeday dalka Sudan.
Wararka ayaa sheegaya inay dhimashadaasi ka dhalatay natiijadda Duqeyn Toos ah oo ay qaaday Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa APACHE oo ay leeyihiin Isbahaysiga Milliteriga ee uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Maleshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.
Dhinaca kale, Soomaalida ku nool Yemen waxay ka codsanayaan Beesha Caalamka inay baaraan duqeyntaasi, isla markaana dadkii ka dambeeyey lagu soo oogaa inay galeen Dembiyo-dagaal.
©Radio Dalsan