Dowladda Itoobiay ayaa markii ugu horreeyay ka hadashay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhibaatadii dowladda Kacaanka u geysatay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magaca dowladda.
Sidoo kale Qoraalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in aqbalaadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee raali-gelintii Farmaajo ay tahay mid muujineysa isku soo dhawaansho labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.
“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah†ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Si kastaba kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda kal hore loogu mahadceliyay Dr Abiy Axmed.