Khamiista Maanta ayaa lafilayaa in Itoobiya ay siideyso tiro ka mid ah Maxaabiis u xirnaa mudo dhowr Sano ah kadib Cafis loo fidiyay Maxaabiistaas oo ka mid ahaa badankood Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta Itoobiya.
Maxaabiista Maanta lasiideynayo ayaa gaaraya ilaa 1,600 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaridka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya
Saraakiil ka tirsan Dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay siideynta Maxaabiistas,waxaana hadda socda qorshihii ugu dambeeyay ee Maanta lagu siideynayo.
Qaar ka mid ah Ehelada Maxaabiistaas ayaa Maanta tegaya Xabsiyada ay dadkaasi ku jiraan sida Jeelka Caanka ah ee loo yaqaano Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jig jiga oo ay inta badan ku xira yihiin Maxaabista ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaallanta Dhulka Soomaalida itoobiya
Sikastaba tallaabadan lagu siideynayo Maxaabiista ayaa ku soo aadeysa xili uu dhawaaan is casilay Ra’iisul Wasaarihii dalka itoobiya iyo sidoo kale wadahadalo mudo todobaad ah Masuuliyiin kala metelayay Itoobiya iyo Jabhada hubeysan ee ONLF ay dhaceyn Magaalada Nairobi ee dalka Kenya