Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayay  La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.
La-taliye Gedu Andagachew ayaa Madaxweynaha Suudaan Cabdifitaax Al-burhaan iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cabdalla  Hamdock u gudbiyay dhambaal ka socday Ra’iisul Waaare Abiy oo ku aadan xaaladda ka taagan Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warrantay in kulan gaar ah uu dhexmaray La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Suudaan, kaasi oo looga hadlay dagaalka Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Tigreega dhexmaraya.
Dowladdaha Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya xuduud, gaar ahaana aaga ay hadda dagaaladu ka socdaan, taas ayaana la rumeysan yahay in ay xambarsan tahay fariintan.