Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa xalay Gurgiisa kala baxay isla markaana Xabsiga dhigay Sheekh Aadan cabdi (Aadan Sune) oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed waayihii dambena ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulkaas.
Ka hor Xariga Sheekha ayaa waxaa israsaaseyn kooban ay dhexmartay Ciidamada loo yaqaano RRU ee tegay guriga Sheekh Aadan Sune iyo Dhalinyaro diidan in Sheekha la xiro kuwaas oo difaacayay wallow markii dambe Ciidamada Soomaaliland ay ku guuleesteen in ay xoog ku soo kaxeestaan ayna xiraan Sheekh Aadan Suni.
Soomaaliland ayaa Sheekh Aadan Sune ku eedeeysay in uu Maalmaahan dhaliilayay Maamulka  waxaana la sheegay in Xarigiisa ay ka dambeysay kadib markii Maalintii Jimcaha ee Ciida Carafo Mid ka mid ah Masaajida Hargeysa uu ka sheegay in 7 Dhalinyaro ah oo ay ciidamu xireen in siqaldan loo adeegsaday.
Xariga Sheekh Aadan Sune ayaa imaanaya xili dhawaan laga soo daayay isla Xabsi ku yaala Gudaha Magaalada Hargeysa iyaga oo ku eedeynayay in uu ka soo horjeeday jiritaanka Soomaaliland