Wararka Caawa aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Israsaaseyn ay ka dhacday.
Israsaaseynta ayaa dhexmartay kooxo hubeysan iyo Ilaalada Agaasimaha Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo oo ku sugan Dhuusamareeb.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ay rasaas ku fureen Agaasime Cantoobo xili uu sii galayay Guri uu ka deganaa Dhuusamareeb, iyagoona markii dambe goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Israsaaseynta dhexmartay ragga weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir aysan geysan wax Khasaaro ah.
Cantoobo ayaa ka mid ah masuuliyiinta ku howlan dhismaha maamulka Galmudug, isagoona maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.