Israsaaseen u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Somaaliya ayaa Caawa ka dhacday afaafka hore Xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.
Ciidamada wada dagaalmay ayaa kala ahaa Ciidamada Nabad-Sugida oo uu hoggaaminayay taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Ciidamada Koofiya Gaduuda ah kuwaas oo dhawaanahaanba ilaalo gaar ah u ahaa Gudoomiyaha Gobolkaan Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.
Inta la xaqiijiyay Hal Askari ayaa israsaaseentaas ku geriyooday halka 4 ruux oo Sadax kamid ah ay yihiin Ciidamadii wada dagaalamay ayaa ku dhaawacmay israsaaseentaas.
Xaalada goobta ayaa haatan ah mid degan waxaana la filayaa in ay caawa ka dhacdo Munaasabad lagu xusayo 15 May Maalinta Dhalinyarada SYL taas oo la filayo in uu ka qeybgalo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)