Idaacadda ku hadasha Codka Ururka XAMAAS ee Reer Falastiin ayaa sheegtay inay Israel xalay duqeeyeen Xafiiska uu Ismaaciil Haniyah ku lahaa Marinka Qasa.
Hopggaamiyaha XAMAAS ayaa la sheegay inuusan Xafiiskiisa joogin xilligii uu weerarkaasi dhacayey.
Duqeyntaasi ayaa timid, kadib, markii ay 7 qof o oIsraeli ah ku dhaawacmeen duqeyn Waaberigii shalay subax ka dhacday duleedka caasimadda Israel ee Tel Aviv.
Dhinaca kale,  Afhayeenka Ururka XAMAAS, Fowzi Barxuum ayaa sheegay in la gaaray Heshiis Xabbad-joojin oo ay Dowladda Masar garwadeen ka tahay, iyadoo Isreal iyo XAMAAS loogu baaqay inay is-xakameeyaan.
Israel weli kama aysan hadlin haddii ay XAMAAS la gaareen Heshiis Xabbad-joojin, inkastoo Waaberigii hore ee saakayto qaraxyo laga maqlayey Qasa.