Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland ka da’ayay roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, xili maalmihii dambe Gobolka Bari laga dareemayay kuleyl.
Roobabka oo xooganaa ayaa dhulka biyo badan dhigay, waxaana mowjado daadad ah ay ku rogmadeen togga Ceeldaahir, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray isu socodka gaadiidka Gobollada Maamulka Puntland.
Gaadiid farabadan oo isugu jira kuwa Rakaab iyo nooca xamuulka qaada ayaa Maanta waxaa ay ku xanniban yihiin labada dhinac ee togga Ceeldaahir, isla markaana waxaa gaadiidka ku adeg inay dhexmaraan halkaas oo marin muhiim u ah gaadiidka.
Darawalada gaadiidka qaar ayaa dib uga laabtay togga Ceeldaahir oo ku rogmadeen mowjado daadad ah, kadib roobabkii xooganaa ee saacado xiriir ah ka da’ayay degaano ka tirsan Gobolka Bari iyo deegaano kale.
Roobabka dayrta ayaa saacadihii la soo dhaafay, si xooggan uga da’ayay Gobolada Bari iyo Karkaar ee dowlad Goboleedka Puntland, welina si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay roobabkii da’ay.