Waxaa Maanta la sameeyay isku-aadka tartanka Kubbada Cagta dowlad Goboleedyada kaas oo la filayo in uu ka furmo Garoonka Banaadir ee degmada Cabdul Casiis ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabada isku-aadka lagu sameynayay ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo dhamaan Wasaaradaha  Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowlad Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir.
Tartankaan Kubbada Cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa Sanadkiiba mar la qabtaa waxaana Sanadkaan la filayay in uu martigeliyo Maamulka Jubbaland laakin loo soo wareejiyay Muqdisho kadib markii Jubbaland ay sheegtay in Garoonkii lagu qaban lahaa uu dayactir ku socdo
Hoos Ka Akhriso Isku-aadka Tartanka Kubda Cagta.
Group A
Banaadir
Galmudug
Jubaland
Group B
Hirshabeele
Puntland
Koonfur GalbeedÂ
Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa la filayaa in tartankaan uu sirasmi ah uga furmo Garoonka Kubada Cagta ee Banaadir Stadium degmada Cabdul Casiis ee Gobolkaan Banaadir.