Dowladda Iran ayaa fashilisay weerar labaad oo dhanka internet-ka ah muddo toddobaad gudihiis ah,waxaa sidaasi sheegay wasiirka isgaarsiinta ee Iran .
Maxammad Javad Azari-Jahromi ayaa sheegay in weerarkan lala bartilmaameedsaday nidaamka Electrooni-kada ah ee dowladda.
Wasiirka wax faahfaahin kama bixin weerarkan iyo sida uu u dhacay.
Arbacadii ayay ahayd markii ay Iraan ku andacootay in weerar kan la mid ah lagu soo qaaday.
Bishi June ee sanadkan nidaamka hubka Iran ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday weerar dhanka internet-ka ah ,sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.