Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa barihiisa Facebook iyo Tuwiiterka ku shaaciyey Galabta in Markabkii dayactirilahaa Meesha ay ka go’day fiiladii internet-ka uu soo gaaray goobta isla markaana la rajeynayo in dhowaan internet-ka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya markale dib usoo laabto.
Injineer Yariisow ma uusan sheegin fahfaahin intaas kabadan laakiin dadka kunool koofurta iyo bartamaha oo baahi weyn u qaba internet-ka ayaa aad usoo dhaweeyey hadalkaan soo baxay.
Waxaa jira culeys badan oo qasaare dhaqaale ka mid tahay oo ka dhashay maqnaanshaha internet-ka waxaana hakad ku jira howlo badan oo uu fududeyn jiray.
Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ayaa horey u shaaciyey in maalin walba Soomaaliya ay lumiso dhaqaale gaaraya 10 milyan sabab la xiriirta internet la’aanta.
Waxaa jira guux kale oo ku saabsan in maqnaanshaha internet-ka aysan ku saleysnayn fiilo go’day laakiin loo xiray sabab la xiriirta Ganacsatadii keentay oo lacago lagu yeeshay kadib markii labo bil ay bixin waayeen kirada Faaybarka.