Waxaa maanta Gudaha Isbitaalka Madiina iyo qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho lagu aasay dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska soobe ee gudaha Magaalada Muqdisho.
Dadkaan oo ka badan 200  ayaa waxaa suurtasgahay in qaarkood ay eheladooda aastaan halka badankood meydkooda la garan waayay taas oo keentay in ay aasaan dad si iskood ah isku xilqaamay ay  aasaan.
Sidoo kle waxa weli socda baadi goobka dadkale oo ku waxyeeloobay qaraxaas, waxana daaqiiqad walba laga soo saarayaa dhismayaasha ku dhow Isgoyska Soobe Meydadka dad hor.
Aroortii hore ee saakay ilaa Caawa waxaa Isbitaalada Madiina, Digfeer iyo Daru-Shifaa ku sii qul qulaya dadweyne ay ka maqan yihiin eheladooda.
Sidoo kale waxaa Baraha ay isticmaasho Bulshada sida Facebook la soo dhigaya Sawirrada dad ilaa iyo hadda la la’yahay kuwaas oo qaarkood la sheegayo in ay qaraxaas ku geeriyoodeen.