Madaxweyne-ku-xigeenka Dalkaasi, Yuusuf Kalla ayaa sheegay inay  Somalia u soo diri doonaan  Markab wada Shixnad Cunto ah, si wax looga qabto macluusha ka jirta Somalia.
“Waxaan nahay dal weyn oo doonaya inay Dalalka kale ku taageeraan Baahidooda Gargaarka Samafalka†ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi.
Waxa uu bogaadiyey Hay’adda Samafalka ee ACT oo uu xusay inay dadka ku casuumeen inay ku soo yaboohaan Bariiska lagu taageeri lahaa ddka Soomaalida ee macluulsan.
“Rabbi ayaa mahad leh oo inoo saqiray inaan bil gudaheeda ku ururinayo cunto sadaqo ah oo dhan Kun Tan oo Bariis ah†ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka Dalkaasi, Yuusuf Kalla, oo intaasi ku dary in ugu yaraan 80% dadka Soomaali si caadi ah u Bariiska u cunaan.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in Kaalmadaasi loogu talagalay in loo qeybiyo 40,000 oo Qoys oo ku nool Goballadda  kala duwan ee Somalia.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee ACT, Axya’udiin ayaa isagana sheegay in Markabkaasi oo ku raran 1,000 Tan oo Bariis ah la filayo inuu dhawan ka soo shiraacdo Dekedda magaalladda Tanjung Perak ee Bariga Jesiiradda Java.
Markabkaasi ayaa la filayaa inay Somalia soo gaaro 20-maalmood kadib.
QM ayaa ku qiyaastay inay Somalia ku macluulsan yihiin dad tiradoodu dhan tahay 6.2 million oo qof, iyadoo ugu yaraan 110 qof u geeriyoodeen Macluusha ka jirta Somalia.
©Radio Dalsan