Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg uga Baxaan Iiraan
Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg uga Baxaan Iiraan
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Iiraan inay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, kaddib digniin amni oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka lagu dhiirrigeliyay inay adeegsadaan marinnada dhulka, gaar ahaan kuwa u gudba dalalka Turkiga ama Armenia, sababo la xiriira xaalado amni oo aan la hubin iyo caqabado ka jira duulimaadyada iyo adeegyada qunsuliyadeed ee Mareykanka ee Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale caddeysay in awoodda ay u leedahay bixinta gargaar degdeg ah oo ay siiso muwaadiniinteeda ku sugan Iiraan ay aad u xaddidan tahay, maadaama Mareykanku uusan safaarad ama qunsuliyad ku lahayn dalkaasi.
Inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin sababta ka dambeysa digniintan degdegga ah, haddana tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu kacsan yahay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, isla markaana ay jirto xiisad amni oo ka taagan gobolka Bariga Dhexe.
Ugu dambeyn, Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday inay si dhow ula socdaan xaaladda amniga, ayna qaataan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo badqabkooda, inta ay suurtagal ka dhigayaan ka bixitaanka dalka Iiraan.