|

DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday Baydhabo, xiisadna ka sii abuurtay Koonfur Galbeed

Warar · Ilhaan · March 22, 2026
DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday Baydhabo, xiisadna ka sii abuurtay Koonfur Galbeed
DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday Baydhabo, xiisadna ka sii abuurtay Koonfur Galbeed
In Summary

DFS oo taliyeyaal cusub u magacowday Baydhabo, xiisadna ka sii abuurtay Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taliyeyaal cusub u magacowday deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay u magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe).

Sidoo kale, Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Baydhabo ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey), oo horey u ahaa Taliyihii Taraafikada ee Gobolka Baay.

Magacaabistan ayaa la sheegay inay sii kordhin karto xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo, gaar ahaan midda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, uu isna dhawaan magacaabay taliye kale oo ka tirsan Booliska Gobolka Baay.

Labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa wada abaabul siyaasadeed iyo mid milatari, iyadoo mid walba uu doonayo inuu gacanta ku dhigo maamulka iyo amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.