Sharciga Amniga Saaybarka Soomaaliya Oo Golaha Shacabka Ansixiyay
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka, si loo ilaaliyo kaabayaasha dhijitaalka ah, loo xoojiyo amniga qaranka loona aasaaso xarunta SOMCIRT.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka Soomaaliya, kaas oo ujeedadiisu tahay ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, sugidda nidaamyada macluumaadka, iyo kor u qaadidda amniga qaranka ee dhanka saaybarka.
Sharcigan waxa uu dejinayaa qaab qaran oo lagu maareeyo amniga saaybarka, isaga oo qeexaya masuuliyadda wasaaradda Isgaarsiinta, iyo doorka farsamo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waajibaadka hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah, iyo nidaamka ka-hortagga, ka-warbixinta iyo ka-falcelinta shilalka amniga saaybarka, isla markaana aasaasaya Xarunta ka Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga SOMCIRT.
Sharciga Amniga Saaybarka, Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, SOMCIRT, amni saaybar, kaabayaasha dhijitaalka ah, amniga qaranka, Soomaaliya
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo nidaam qaran oo isku-duuban, laguna xoojinayo u-diyaar-garowga iyo ka-falcelinta khataraha amniga dhijitaalka ah.
Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye , ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada Aqalka sidoo kalena xusay in sharcigan uu yahay tiir muhiim u ah sugidda amniga qaranka ee saaybarka, ilaalinta danaha muwaadiniinta, iyo waafajinta Soomaaliya heerarka iyo hab-dhaqannada caalamiga ah ee amniga saaybarka.
Somalia’s Parliament Approves the Cybersecurity Law
Sharcigan waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta kalsoonida adeegyada dhijitaalka ah, taageeridda kobaca dhaqaalaha dhijitaalka, iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo bahda caalamka.