Laftagareen oo qeylo-dhaan u diray beesha caalamka
Laftagareen oo qeylo-dhaan u diray beesha caalamka
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa si kulul uga hadlay kordhinta howlgalada milatari ee ka socda deegaanadooda, kuwaas oo la sheegay inay ka imaanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in xaaladda taagan ay keeni karto khatar weyn oo amni iyo musiibo bani’aadannimo, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Maamulka ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka lagu xallin karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad, balse aan lagu xallin karin awood ciidan, taasoo laga digay inay horseedi karto dagaal sokeeye iyo barakac ballaaran.
Sidoo kale, waxaa la eedeeyay in ciidamada ay tababareen dalal ay ka mid yihiin UK, UAE, Mareykanka iyo Turkiga, kuwaas oo ku jira gacanta dowladda federaalka, ay door ku leeyihiin dagaalka socda, arrintaas oo la sheegay inay dhaawaceyso nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u farageliso xaaladda, si loo joojiyo dagaalka loona badbaadiyo shacabka rayidka ah ee ku sugan deegaanada maamulka.
Ugu dambeyn, waxaa la xusay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, ay jirto khatar ah in xaaladdu isu beddesho musiibo
bani’aadannimo oo baahsan, isla markaana ay saameyn ku yeelato xasilloonida guud ee gobolka.