|

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii G/Banaadir

Warar · Ilhaan · February 26, 2026
RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii G/Banaadir
RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii G/Banaadir
In Summary

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo kordhinta ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda. Wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn iyo is-ixtiraam, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumaddu ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga, arrimaha doorashooyinka, iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Xukuumadda Federaalka ayaa haatan ku hawlan dhamaystirka hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee dowladaha hoose, iyadoo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka ah looga qabto doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.